Siiradii Nebiga SCW

HORDHAC – Illaahay ayaa Mahad leh Allahaasoo nagu ilhaamiyey inaan barano siiradii nebigeena, Sidaa Dhalashadiisa , Tilmaantiisa, Dabeecaddiisa, Cuntadiisa, Cabitaankiisa, Labiskiisa, Fasaaxadiisa, Mujisooyinkiisa, Khasaa’istiisa, Axwaashiisa, Magacyadiisa, Abtiriskiisa, Ilmihiisa, Xaasaskiisa, Adeeryaalkiisa, Eedoyinkiisa, Abtiyaalkiisa, Iyo Habaryaalkiisa

Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaato nebigeenna Suubnan

Intaa kadib markii aan arkay baahida loo qabo barashada siirada Nebiga Dhibna ay noqotay in laga barto kitaabada Carabiga ah ayaan Idiin Soo turjumay Siiradii oo kooban si dadka Aan Aqoonta u lahyn Luuqada Carabigu Aay Ugu Bartaan Afkooda Somaliga, Waxana Uga Ogaadaan Siirada Nebiga SCW

Haddan Ku Bilowna Marka Hore Dhalashadiisa

  • DHALASHADIISA

Nebigeenna Maxamed NNKH wuxuu ku dhashay magaalada Maka AlMukarama, Sanad lagu magacaabo Caamul Fiil, Bisha Rabiicul-Awal, Ama loo yaqaano (Mowliid) 12-Keeda, Habeen Isniin ah oo ay tariikhdu aheyd 571 Miilaadi.

Intii u yaraa waxaa nuujiyey Hooyooyin badan waxana ka mid aha Xaliimatu Sacdiya, oo iyadu heysay Nebiga SCW ilaa uu gaaray 4 Sano, kadib waxay u geysay Hooyadiis Aamina, Hooyana waxay heysay ilaa uu gaaro 6 sano. Dabadeed Hooyana waxay heysay ilaa uu ka gaaro 6 sano, dabadeed Hooyana wey dhimatay, kadibna waxa kafaalo qaaday Awowgiisa Cabdimudalib, Awoowana wuu dhintay isagoo Nebigu SCW jiro 8 Sano, hadana waxaa kafaalo qaaday Adeerkiis Abu Daalid, Abu Daalib wuuu jeclaa Nebiga sii fiican ayuuna u soo koriyey, Abu Daalib ma uusan seexan jirin in dhinaciisa uu jiifo Nebigu SCW maahee, haddii uu meel aadayana wuu wadan jiray Nebiga SCW

Nebiga Adeerkiis Abuu-Daalib wuxuu la joogay ilaa uu nin weyn ka noqdo, Balse nasiib darro wuxuu dhintay Gaalnimo waana diiday inuu Islaamo

Nebigu SCW markii u gaaray 25 Sano ayuu guursaday Haweeney la yiraahdo Khadiijo Bintu Khuweylid, oo aheyd Haweeney Sharaf badan, Garoob ah, Maal badanna Laheyd, Jirtay 40 Sano, waxayna u dhashay 6 Carruur ah, Nebigu markii uu gaaray 40 Sano ayaa la diray oo laga dhigay Rasuul, waxaana la amray inuu dadka ugu yeero Towxiidka oo ah ilaahey inay caabudaan keligiisa,

Markii 12 Sano uu u yeerayey dadkii deggena Maka iyo Nawaaxigeeda aysanna Rumeyn dad badan ayaa la amray Rasuulka Inuu u haajiro Madiina, Isaga iyo Asxaabtii rumaysayba. Waxayna tageen Madiinatul-Munawara, Si fiican ayaana loogu soo dhoweeyey, Nebigu markii u galay Madiiina dadku waxay u safteen jidka dhinacyadiisa, iyagoo soo dhoweynaya qaadayana Heeso, Sacab iyo durbaan, jacayl ay u qabaan awgiisa, heesaha waxaa ka mid ahaa

طلع البدر علينا من ثنيات الوداع وجب الشكر علينا مادعي الله داعي

Nebigu markii soo galayey madiina wuxuu saarnaa hal Rukuub ah wuxuuna ku dagay guriga Abuu Ayuubul-Ansaari, Nebigu wuxuu walaalo ka dhigay ASxaabtii la soo hijrootay iyo Asxaabtii madiina deganeyd, oo la kala oran jiray Muhaajiriin iyo Ansaar, Halkaas ayuuna ka dhisay Dowladii Islaamka

و توفي صلي الله عليه وسلم, ودفن بالمدينة المنورة وهو ابن ثلاث وستين سنة بعد ان ترك لنا قرانا عظيما . لا ياتبه الباطل من بين يديه ولا من خلفه تنزيل حكيم حميد

Nebigu wuxuu ku dhintay Madiina Laguna Duugay Isagoo jira 63 sano, wuxuuna Nooga tagay Qur’aan weyn, oo uusan imaaneyn Baadil hortiisa, iyo Gadaashiisa, waxaana soo dejiyey Allaah Xikmadda badan ee Lamahadiyo

  • TILMAANTIIS

Nebigu dhererkiisu wuxuu ahaa mid Dhex-dhexaad ah, Midabkiisu wuu ifayey, caddaankiisu saafi ayuu ahaa, Madaxiisu wuu weynaa, Tina wanaagsan ayuu lahaa, Gar weyn ayuu lahaa, madaxa io garka 17 tin ayaa cirro ka ahayd, (Wajigiisu wuu wareegsanaa, wuxuuna u nuur jiray sidaa Dayax oo ah 14-Aad

يتلا لا كا القمر اليله البدر

Wuxuu lahaa khaatimu Nubuwa oo ku taalay labada garab dhexdooda, Bidixdana u dhow, (Khaatimu Nubuwadu waa cad yar oo hilib ah) Xabadkiisa iyo Calooshisuna way Sinaayeen, qosolkiisu wuxuu aha dhoola Caddeyn, Markuu carfayey, Cunugiii u gacanta madaxa ka saaray waa laga garanayey Ilmaha kale Caraftiisa

  • DABEECADDIISA

Illaahey ayaa ku sifeeyey inuu dabeecad weyn oo wanaagsan leeyahay Yirina

وانك لعلى عظيم

Nebigu NNKH wuxuu ahaa mid tawaaduc badan, qofka jirran wuu booqan jiray janaasadana wuu xaadiri jiray, Fuqarada iyo Masaakiintana wuu jeclaa, waana uu la fariisan jiray, Qofkii uu la kulmo wuxuu ku bilaabayey Salaam iyo Masaafaxp (Gacan Galis) dameerka Rukuub ayuu ka dhigan jiray hadii loo yeero wuu Ajiibi jiray, Wixii loo hadiyeeyo waa Aqbali jiray, Wuxuuna yiri

“لو أهدي الى كراع أى رجل شاة لقبلت ولو دعيت اليه الا جبت”

”Haddii la ii hadiyeeyo majin waa aqbalaa, hadii la iigu yeerana waan ajiibayaa”

Dharkiisa wuu tolan jiray, qofkii wax su’aasha wuu siin jiray, ama hadal wanaagsan ayuu ku oran jiray, WUu kaftami jiray, mana dhaheyn wax aan xaq aheyn, wuxuu siyaaran jiray qabuurta, markii laga farxiyo wejigiisu wuu ifayey

  • CUNITAANKIISI

Marku doono cunida Bisinka ayuu ku bilaabi jiray, dhinaciisa ayuu ka cunayey, Saddex farood ayuu ku cunayey , markuu cuntada dhammeysto wuu leefayey faraha, Saddex jeer waxa cuni meyn ilaa gaajo badan qabato mooyee, wixii uu helo oo cunno ah wuu cunni jiray. Cuntana caayi meyn, waxana uu badnaa cuntadiisa Timir iyo Biyo, Hilibka wuu jeclaa, Wuxuuna dhihi jiray

انه يزيد سمع السا معين

”Maqalka ayuu siyaadiyaa” Wuxuu jeclaa Timirta Cajwada la yiraa, wuxuuna yiri

“هي من الجنة وهي السم و السحر و قايه وجنه”

”Sunta, Iyo Sixirka ayey gaashan u tahay”

Wuxuu kaloo yiri

”اخر الطعام اكثره بركه”

”Cuntada Aakhrikeedu waa Barako”

Ma cuni jirin Toonta, Basasha, Kuraathka, Habeenno badan ayuu baryaye (Seexanayey) isagoo gaajeysan oo guryihiisana aan wax laga karin, wixii xeerada (Saxanka) ka dhaca wuu soo qadan jiray, Wuxuu yiri

”من فعله غفرله “

”Ruuxii Saas sameeya waa loo dambi dhaafaa”, Markuu cuntada dhammeysto illaahey ayuu ku Xamdinayey, Cuntada Kadibna ma seexan jirin wuxuuna yiri

“اديبوا طعامكم بدكر الله والاتناموأ فتقسوا قلوبكم “

”Ku Dhalaaliya cuntada xusidda Illaahey oo hala Seexanina yeysan in ka qalalin Quluubtuye”

  • CABITAANKIISA

Nebigu SCW Wuxuu ahaa mid cabba Caanaha iyo Biyaha mana Qur-qurin jirin ee wuu u neefsan jiray, Wuxuuna yiri

” الكباد : أي وجع الكبد من العب “

”Beer xanuunku waxaa laga qaadaa Qur-qurinta”

Weelka Dhexdiisa kuma neefsan jirin, inta badan isagoo fadhiya ayuu cabbi jiray, Sharaabka wuxuu u jeclaa kii Macaan ee qabow, sharaabka iyo cuntada kululna wuu necbaa wuxuu yiri

”Qaboojiya cuntada tii kulul barako ma leh”

  • DHARKIISA

Nebigu wuxuu jecla dharka Cad-cad iyo Cagaarka, wuu qaadan jiray dhar madow, Cimaamad madow ama mid cad, tan cad ayuuna u badnaa, Cimaamadda markuu xiranayo wuxuu u yeeli jiray qeyb yar oo gadaal u laalaada, una dhaxeysa labada garbood, Cimaaamaddiisu waxay aheyd mid Dhex-dhexaad ah, mana yarayn mana weyneyn,

Dharka wuxuu ka xiran jiray anqawyada korkooda, markuu dharka xiranayana wuxuu dhahayey

الحمد لله الدي كساني ما أستربه عورتي وأتجمل به

”illaahey ayaa mahad leh iina xiray dhar aan cawrada ka asturno oo aan isku qurxiyo”

Wuxuu goglan jiray harag laga dhigay salli (Masalle) ama joodari laga dhigay inta waxa lagu cufay (Geliyey), derin wuu ku seexday dhulkana wuu seexday Salli La’aan

  • FASEEXADIISA (Codkiisa)

Nebigu wuxuu ahaa midka ugu faseexada badan uguna cod wanaagsan ugana hadalka macaan intaa ilaahey abuuray oo dhan wuxuuna yiri

انا افصح العرب وفي روايه انا افصح من نطق با لضاد

”Carab Aniga ayaa ugu fasiixa badan”, Hadalkiisu wuxuu aha Xikmad xeel dheer, Ummad kasta wuxuu kula hadlayey luqadeeda u gaarka ah

  • MUCJISOOYINKIISA

Mucjiso tii ugu wayneyd ee la yimaado Rasuulku waxay aheyd qur’aanka oo la keeni waayey hal Aayad oo lamid ah, Mucjisooyinkiisa waxaa ka mid ah

  1. Kala Jabkii aay kala jabtay bisha oo aheyd 14,
  2. Biyahii ka burqaday faraha dhexdooda ilaa Asxaabtii ka cabbeen oo ay uga weysaysteen
  3. Waxa kaloo ka mid ah Cuntadii aan hal Saac (Suus) Dhammeyn ee inta ku tuftay Alle barakeeyey ee 1,000 Ruux ka cunteeysay,
  4. Waxaa kale oo ka mid aha Geedkii Iyo Dhagaxii La hadlay
  • KHASAA’ISTIISA (Waxyaalaha Uu Goonida La Ahaa)

Nebigu SCW waxyaabihii uu la gaarka ahaa waxaa ka mid ah, Wuxuu ahaa Nebiyada kii lagu Khatimay uguna Fadliga badnaa, Waana Ruuxa ugu horreeya ee Arladu soo tufto Qiyaamaha, waa ruuxa ugu horreeya Garaacidda Albaabka jannada Iyo Gelideedaba, Waa Ruuxa ugu horreeya ee shafeecada laga aqbalo, Waa Nebiga loo soo diray Jinni iyo Insiba, Illaahey ayaa ku dhaartay Noloshiisa, Qalbigiisu ma seexan jirin, Gadaashiisa ayuu ka arki jiray Yiri

خلو ظهري للملائكه

”Dhabarkayga uga wareega Malaa’ikta”, Mugdiga ayuu wax ka arki jiray Hoosna ma uusan laheyn Nuurkiisa daraadiis, Korkiisa kuma degi jirin Tixsigu

  • AXWAASHIISA

Nebigu SCW wuxuu jeclaa Wixii carfa oo dhan wuxuuna necbaa wixii uraya, Habeenkii qiyaamu Leyl ayuu u istaagi jiray ilaa luguhu ka bararaan markaas baa Caa’isho dhihi jirtay : — Maxaad naftaada u kallifaysaa illaahey wuu kuu dembi dhaafee? Wuxuuna ugu jawaabay : –

ابردوا با لطعام فان الحار غير دي بركه افلا اكون عبدأ شكورأ

”Miyaanan aheyn Addoon Shukrinaya?” Wuxuu ahaa mid aan qaadan sadaqada laakiin haddiyadda qaata, wuxu ku ducaysan jiray

 

اللهم يا مقلب ثبت قلبي علي دينك

”Illaaha quluubta gad-gaddiyow Diintaada Qalbigayga ka sug”

Wuu edeb badnaa, wuuna xishood badnaa, wuxuu yiri

ادبني ربي فا حسن تاديبي

”illaahey ayaa i edbiyey oo wanaajiyey edebtayda”

  • MAGACYADIISA

Nebigu SCW magacyo badan ayuu lahaa waxaana ugu fiicnaa Muxamed Iyo Axmed

  • ABTIRISKIISA DHINACA AABAHA

Abtiriskiisa Dhinaca Aabaha Waa — Muxamed Ibnu Cabdullaahi, Ibnu Cabdimudalib, Ibnu Haashim, Ibnu Cabdi Munaaf , Ibnu Qusayi, Ibnu Xakam, Ibnu Murrah, Ibnu Kacab, Ibnu Lu’ayi, Ibnu Ghalib, Ibnu Fihri, Ibnu Maalik, Ibnu Nadri, Ibnu Kinaanata, Ibnu Khuzaymah, Ibnu Madrikah, Ibnu Ilyaas, Ibnu Mudar, Ibnu Nadaa’r, Ibnu Macdi, Ibnu Cadnaan, Intaas ayaa laga yaqaan Abtirisiiyadiisa, Wuxuuna abtiriskiisu gala Nebiyu-laah Ismaaciil Bin Ibraahim Cs

  • ABTIRISKIISA DHANACA HOOYADA

Abtiriska Dhinac Hooyada Waa

محمد بن أمنة وهب بن عبدمناف بن زهرة بن حكم

Muxamed Ibnu Aamina Binti Wahab Ibnu Cabdi Munaaf Ibnu Zuhrah Ibnu Xakam, Halkaas ayeyna isaga dhacaan Labada Abtirsiimo ee Hooyada Iyo Aabaha

  • CARUURTIISA

Awlaadiisu waa Toddoba, Saddex ayaa Ragg ah, Waxayna kala Yahiin

  1. Qaasim
  2. Cabdullaahi
  3. Ibraahim

Afarna waa Dumar Waxayna kala yahiin

  1. Faadima
  2. Ruqiya
  3. Zaynab
  4. Ummu Kaltuun

Dhamaantoodna Waxa dhashay Khadiijo Binti Khuwaylid Ibraahim Mooyee, oo isaga waxa dhashay Maariyatul Qibdiya

  • HAWEENKIISA

Xaasaskiisu waxay ahaayeen 11 Sida tan ayeyna kala ahaayeen

  1. Khadiija
  2. Caa’isha
  3. Xafsah
  4. Zaynab
  5. Safiya
  6. Juwayriyah
  7. Ramlah
  8. Sowdah
  9. Maymuunah
  10. Hinda
  11. Zaynab (Ummul – Masaakiin
  • ADEERYAALKIISA

Adeeryaalkiis waxay ahayeen 12 Nin, Waxaana Muslim ka aha Labo nin

  1. Xamza
  2. Cabbas
  • EEDOOYINKIISA

Eedooyinkiisu waxay ahayeen 6 Haween Ah, waxaana Musim ka aha Saddex

  1. Safiya
  2. Caatika
  3. Arwaa
  • KHAADIMIINTIISA

”Adeegayaalkiisi”

Dadkii u Khaadimeyn jiray waxay gaarayeen 170 Ruux, Waxaana ka mid aha Aanas Bin Maalik Iyo Ummu Ayman

  • ABTIYAALKIIS

Abtiyaalkiis waxay ahaayeen Saddex Abti ama Saddex Nin oo ka Kala Yiraahdo,

  1. Aswad
  2. Cumeyr
  3. Cabdi Yaguuth

Saddexdooduna waxay dhinteen intaan Rasuulka SCW la soo saarin

  • HABARYARIHIIS

Waxay ahaayeen Habaryalkiis labo , Waxayna kala yahiin

  1. Fariisata
  2. Faakhitata

Sidoo kale Waxay labaduba dhinteen intaan Rasuulka la soo saarin

إعلم أن أفضل ألانبياء هو سيدن محمد (صلى الله عليه وسلم) ويجب علينا معرفة لنكون على علم من حله واخلاقه . فنبينا (صلى الله عليه وسلم) عربي من بني هاشم أفضل قبائل العرب

Ogow Waxa Ugu Fadli badan uguna Khayr badan Nabigeena Muxamed Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa ha Ahaatee, Waxaana nagu waajib ah inaan barano Magaciisa Nasabkiisa meeshu ku dhashay iyo Siiradiisa oo dhan, Wuxuu ka dhashay Qabiilka Carab ugu sharafta Badan ee la yiraahdo Banii Haashim


Waxa Qoray Sheekh Maxamud Sheekh Cabdiwaxiid

Buuggii Siirada Nebiga SCW

سيرة النبي صلى الله عليه وسلم

Yusuf Cali

Yusufcali@live.com  

  1. No comments yet.
  1. No trackbacks yet.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: